Hiv-ka ee Noorway

Hiv-ka Noorway waa ururka kaliya ee bukaan socodka ah ee kajira dalka Norwey dadka qaba/la-nool HIV-ka. sidoo kale waa urur siyaasaded daneynaya qofkasta oo uu saameeyo HIVku, oo ay kujiraan dadka isticmaala PrEP = daawada HIV-ka iyo dadka halista ugu jira caabuqa HIV-ga.

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Hivka Noorway shaqadiisa ugu muhiimsan waa in la sugo lana ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka la nool ama uu saameeyay HIV-ku, oo ay ku jiraan qaraabada, dadka isticmaala PrEP, dadka halista ugu jira caabuqa iyo dadka iyo ururada la kulma kooxahan bartilmaameedka ah shaqadooda.

Les også

schedule23.07.2021

→ Hiv-ka iyo Covid-19

Markaad la nooshahay HIV-ka, ma jirto halista sii kordheysa ee lagu qaado cudurka coronavirus ama aad ugu xanuunsato cudurka 'Covid-19'. Haddii aad leedahay habdhis difaaca jirka oo hooseeya (tusaale hadii aad 200 ka hoosayso tirada CD4) iyo cudurro kale oo halista ah, waxaa laga yaabaa inaad ku jirto kuwa halista sare u ah cudurka Koroonaha.

schedule23.07.2021

→ Xagee baad ka heli kartaa taageero

Norway gudaheeda, waxaa ka jira ururo dhowr ah oo adeegyo u fidiya dadka la nool cudurka HIV-ka. Hoos waxaad ka heli doontaa tusaalooyin. Meelahan oo dhan waxaad kula kulmi doontaa xirfadlayaal oo waxaad fursad u heli doontaa inaad kula xiriirto dadka kale ee la nool cudurka HIV-ka.